{"id":1478,"date":"2017-06-04T12:03:51","date_gmt":"2017-06-04T09:03:51","guid":{"rendered":"http:\/\/mmdsom.org\/?p=1478"},"modified":"2017-06-04T12:03:51","modified_gmt":"2017-06-04T09:03:51","slug":"saadaashii-tirada-carruurta-soomaaliyeed-ee-ay-nafaqo-xumo-baan-ay-haysato-ayaa-kor-u-kacdey-ilaa-50-boqolkiiba","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/mmdsom.org\/?p=1478","title":{"rendered":"Saadaashii tirada carruurta Soomaaliyeed ee ay nafaqo-xumo ba\u2019an ay haysato ayaa kor u kacdey ilaa 50 boqolkiiba"},"content":{"rendered":"<p><a href=\"http:\/\/mmdsom.org\/wp-content\/uploads\/2017\/06\/UNI.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignleft wp-image-1479 size-thumbnail\" src=\"http:\/\/mmdsom.org\/wp-content\/uploads\/2017\/06\/UNI-420x315.jpg\" alt=\"UNI\" width=\"420\" height=\"315\" srcset=\"https:\/\/mmdsom.org\/wp-content\/uploads\/2017\/06\/UNI-420x315.jpg 420w, https:\/\/mmdsom.org\/wp-content\/uploads\/2017\/06\/UNI-744x558.jpg 744w, https:\/\/mmdsom.org\/wp-content\/uploads\/2017\/06\/UNI-768x576.jpg 768w, https:\/\/mmdsom.org\/wp-content\/uploads\/2017\/06\/UNI.jpg 827w\" sizes=\"(max-width: 420px) 100vw, 420px\" \/><\/a>Saadaashii tirada carruurta Soomaaliyeed ee ay hayso ama ay ku dhici doonto nafaqo-xumo ba\u2019an ayaa kor u kacdey 50 boqolkiiba tan iyo bilowgii sanadka oo gaarteynta 1.4 milyan, oo ay ka mid yihiin 275,000 oo hadda qaba ama ay sanadka 2017ka ku dhici doonto nafaqo-xumada ba\u2019an ee halista gelineysa naftooda.<\/p>\n<p>Carruurta nafaqo-xumada ba\u2019an qaba ayaa sagaal jeer uga dhow in ay u dhinteen cudurro sida daacuunka \/ shuban-biyoodka ba\u2019an iyo jadeecada ah, kuwaas oo hadda faafaya marka la barbardhigo kuwa aan qabin. Markii ay socotey macaluushii sanadkii 2011kii ka dhacdey Soomaaliya ee dishey qiyaastii 260,000 qof \u2013 oo in ka badan kalabar ay ahaayeen carruur da\u2019 yar \u2013 ayaa dhimashada carruurta ugu badan waxaa sababey shuban iyo jadeeco.<\/p>\n<p>\u201cUNICEF iyo la-hawlglaayasheeda ayaa carruur ka badan 56,000 ka daweeyey nafaqo-xumo ba\u2019an muddada ka baxdey sanadkan \u2013 ku dhowaad 90 boqolkiiba ayaa ay tiradan ka badan tahay tii isla muddadaan oo kale sanadkii 2016kii,\u201d ayaa uu yiri Steven Lauwerier, Wakiilka UNICEF Somalia. \u201cAbaarta, cudurka iyo barokaca wada-socda ayaa ah kuwo carruurta aad u dila, waxaana na looga baahan yahay in aan si degdeg ah u qabanno wax badan si naftooda loo badbaadiyo.\u201d<\/p>\n<p>Ilaa 615,000 qof, kuwa ugu badan ay yihiin haween iyo carruur, ayaa ay abaartu soo barokicisey tan iyo bishii Nofembar 2016kii.<\/p>\n<p>Roobabkii Gu\u2019ga (Abriil \u2013 Juunyo) ayaa teelteel u da\u2019aya, kuwaasoo oo ah kuwo lagu diirsadey meelihii ay ka da\u2019een ee dalka. Laakiin roobabka ayaa sidoo kale halis ku ah carruurta. Haddii ay roobab xooggan da\u2019aan waxaa ay dhibaato kale ku keenaan carruurta ku nool hoyga jilicsan ee ka sameysan cooshadaha, ulaha iyo calallada ama shiraacyada. Haddii ay da\u2019aan roobabka Gu\u2019ga, oo aan gargaar la gaarsiin qoysaska, dad kale oo badan ayaa ku khasbanaan doona in ay ka soo tagaan dhulkooda oo ay yimaadaan xerooyinka barokacayaasha. Cudurka duumada (malaariyada) ayaa haddaba ay muuqataa in uu dillaacay, waxaana sidoo kale batey daacuunka.<\/p>\n<p>\u201cIsusocdyada cusub ee dadka ayaa uga sii daraya xaaladda. Dadka ku hara degaannadooda ayaa u baahan gargaar degdeg ah si aaney ugu khasbanaan in ay qaxaan; kuwa horebya u soo qaxay, ee hadda ku sugan xerooyinka, ayaa ah kuwo aad u nugul \u2013 carruurta ayaana ah kuwa ugu nugul dadka oo dhan,\u201d Lauwerier ayaa sidaa yiri.<\/p>\n<p>Haweenka iyo carruurta ayaa badanaa safarka soo gala, oo caadi ahaan u soo lugeeya degaanno ay rajeynayaan in ay gargaar ka helaan, ayaa badanaa la dhacaa amaba ka sii darene, la dhacaa inta ay waddada ku soo jiraan, iyo marka ay xeryaha joogaanba. In kasta oo ay jireen warar sheegaya in ay dhaceen xadgudubyo jinsi, oo uu ku jiro kufsi, haddana haweenka badidoodu ma sheegtaan xadgudubka loo geystey waxaana taas sabab u ah ceebta lala xiriiriyo kufsiga iyo baqdin ay ka qabaan in nimankoodu ogaan doonaan waxa dhacay. Kuwa geysta tacaddiyada jinsiga ayaa ay dhif tahay in loo ciqaabo falalka ay geystaan.<\/p>\n<p>Abaarta ayaa sidoo kale ilaa 40,000 oo carruur ah ku khasabtey in ay ka baaqdaan fasalladii ay dhigan jireen, maaddaama qoysaska ugu nugul ay carruurtooda u dirsadaan biyo-aroor, ama ay meel kale u guuraan iyaga oo raadsanaya cunto iyo biyo. Caddeymo lagu heley wareysiyo ayaa muujinaya in carruur badan oo ku nool waddooyinka, iyo carruurta barokacayaasha ah ay askareysanayaan kooxaha hubeysan.<br \/>\nQorshe goor hore la dejiyey iyo maaliyad la heley ayaa suurageliyey in si weyn kor loogu qaado gargaarka la bixiyo. UNICEF iyo la-hawlgalayaasha ayaa:<\/p>\n<p>Taageeraya 64 goobood oo lagu daaweeyo daacuunka kuwaas oo lagu daaweeyey in ka badan 28,400 xaaladood wixii loo soo gaarey 23kii Abriil, marka la barbardhigo ilaa 15,600 xaaladood oo la daweeyey guud ahaan sanadkii 2016kii.<br \/>\nAbuurey oo taageerana 330 xarumo nafaqeyn oo cusub, kuwaas oo 837 ka dhigeya wadarta tirada xarumahaas ee guud ahaan dalka. Goobahan ayaa suurageliyey in 56,054 carruur ah oo qaba Nafaqu-xumo Ba\u2019an la daweeyo tan iyo bilowgii sanadka, tiradaas oo ah ku-dhowaad laba-laab tiradii goobahaan la dhigey isla muddadaas oo kale sanadkii 2016kii, iyada oo 92 boqolkiiba ay bogsoodaan dadka goobahaas la geeyo.<br \/>\nIn ka badan 1 milyan qof oo ay abuurtu saameeysey ay si ku meelgaar ah u siinayaan biyo, halka ay bishii Jannaayo siin jireen 300,000 qof.<br \/>\nIn ka badan 380,000 carruur iyo haween ah gaarsiiyey adeegyo caafimaad oo nolol-badbaadin ah kuwaas oo ay ku jiraan tallaallo degdeg ah, iyada oo la taageerayo in ka badan 100 xarumo caafimaad ah iyo in ka badan 60 adeegyada warwareega ee dadka goobahooda loogu geeyo ah.<br \/>\n190 iskuul oo ay dhigtaan ku dhowaad 20,000 carruur ah ay siiyeen biyo nadiif ah oo la cabbo; waxaa ay abuureen goobo waxbarasho oo ku-meelgaar ah iyaga oo 43,000 carruur ah siiyey fursad waxbarasho; waxaana ay lacago deeq degdeg ah ay gaarsiiyeen ku dhowaad 10,000 carruur ah oo halis weyn ugu jirey in ay iskuullada ka baxaan.<br \/>\nAdeegyo muhiim ah siiyey 840 carruur aan la wehelin iyo kuwo ay kala maqan yihiin waalidkood, iyo 1,184 oo dhibanayaal tacaddi jinsi ku saleysan ah loo geystey.<br \/>\nUNICEF ayaa heshey $78.7 milyan oo doolar oo ka mid ah $148 milyan ee ay codsatey \u2013 waxaana ka dhiman 47% maaliyaddii ay u baahneyd.<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Saadaashii tirada carruurta Soomaaliyeed ee ay hayso ama ay ku dhici doonto nafaqo-xumo ba\u2019an ayaa kor u kacdey 50 boqolkiiba tan iyo bilowgii sanadka oo gaarteynta 1.4 milyan, oo ay ka mid yihiin 275,000 oo hadda qaba ama ay sanadka 2017ka ku dhici doonto nafaqo-xumada ba\u2019an ee halista gelineysa naftooda. Carruurta nafaqo-xumada ba\u2019an qaba ayaa [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":1,"featured_media":1479,"comment_status":"open","ping_status":"open","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[20],"tags":[],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/mmdsom.org\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/1478"}],"collection":[{"href":"https:\/\/mmdsom.org\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/mmdsom.org\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mmdsom.org\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/users\/1"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mmdsom.org\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcomments&post=1478"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/mmdsom.org\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/1478\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":1480,"href":"https:\/\/mmdsom.org\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/1478\/revisions\/1480"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mmdsom.org\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/media\/1479"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/mmdsom.org\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fmedia&parent=1478"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/mmdsom.org\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcategories&post=1478"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/mmdsom.org\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Ftags&post=1478"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}